Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Soomaali ah oo ku biiri lahayd Daacish oo xabsiga la dhigay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay´adda sirdoonka dalka Norway  ayaa xabsiga dhigtay haweeney 30-sano jir Soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay u socotay dalka Siiriya, si ay ugu biirto kooxda Daacish.

Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay wargeyska VG. Sirdoonka Norway ayaa haweeneydan xabsiga dhigay isla habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay.

Haweeneydan ayaa la sheegay inay u socotay dalka Siiriya, si ay ula kulanto nin ay xiriir lahaayeen, kaas oo katirsan kooxda Daacish, kuna sugan Siiiriya.

Maxkamada Oslo ayaa ogolaatay in haweeneydan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah.

Qeybo kamid ah warbaahinta dalkan Norway ayaa qorayay in haweeneydan ay heysato dhalashada Norway, balse waxaa gadaal kasoo baxday inay heysato magangalyo kumeel gaar ah, ayna dalkan Norway soo gashay sanadkii 2013-ka.

Sida ay sheegtay haweeneydan soomaalida ah, waxaa jiro qalad iyo isfahan daro ku saabsan arintan. Balse hey´adda sirdoonka Norway ayaa sheegtay inay arinteeda la socdeen mudo dheer, ayna markii hore kasoo bilaabatay kiis kale oo laga soo gudbiyay dalka England.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso kiiska haweeneydan

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this