Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Casho Sharaf Ugu Sameeyey Xulka Kubadda Cagta Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 08 December 2017 casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan geleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xullka kubadda cagta dawladda Puntland ayaa ku adkeeyey dhallinta inay illaashadaan sumcadooda, sharaftooda iyo karoomadoodaba, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in intaasi ku dhowrsoomayaan iyadoo ay hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecadooda iyo diintoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinta u sameeyey balanqaadyo uu ka mid ahaa dhismaha iyo casriyaynta garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhowaan la dhigidoono qaar kamidda garoomada Puntland roogga cagaaran lana samayndoono tartamo, tababaro iyo dhammaan ciyaaraha kala duwan ee jira.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhallinta ku booriyey inay sameeyaan Alle ku xidhnaansho iyo dedaal badan si ay uga gungaadhaan himiladooda ah hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee maanta 08 December 2017 ciyaartiisii ugu horaysey laciyaaray, waxaana uu Madaxweynuhu u cadeyey dhallinyarada in ka dawladda ahaan la garabtaagan tahay tageero buuxda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘SWC’ u waydiiyey dhallinta Soomaaliyeed ee ku hirdamaysa tartanka kubadda cagta Soomaaliya maxsuul wanaagsan oo ay dhammaantood ku qancaan, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara Alle u waydiiyey xulka kubadda cagta Puntland guul ay ku hantaan marlabaad koobka kubbad cagta Soomaaliya.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.1-9.jpg?resize=1000%2C667 2-7.jpg?resize=1000%2C667 3-6.jpg?resize=1000%2C667 4-5.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0477.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0510.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0567.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0593.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0631.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0657.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0675.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0730.jpg?resize=1000%2C667

 

 

The post Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Casho Sharaf Ugu Sameeyey Xulka Kubadda Cagta Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this