Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isilwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Maanta ka Qeeybgalaya Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Mudane Mahdi Ayaa maanta ka qeybgalaya  munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo  ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) ayaa halkaasi ka jeedin doono  Qudbad isaga oo ku hadli doono afka Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Mudane Mahdi ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Ra’isilwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Maanta ka Qeeybgalaya Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this