Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo iska fogeeyay duqeyn qaab khaldan looga geystay meel ku dhow Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaaradahooda ay duqeyn ka geysteen meel ku dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Sarkaal u hadlay Hogaanka ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in diyaaradahooda ay garanayaan halka uu yahay bartilmaameedka isla markaana aysan ku khaldameynin goobo kale.

Sarkaalkan ayaa beeniyay inay ku lugleeyihiin duqeyn ka dhacday meel u dhow caasimada, waxa uuna ku baaqay in la xaqiijiyo halka laga lahaa diyaaradaha duqeynta geystay.

Duqeynta ay iska fogeysay Mareykanka ayaa dhacday galinkii dambe ee arbacadii lasoo dhaafay waxaana lala bartilmaameystay dagaalamayal ka tirsan al-Shabab.

Sidoo kale, maleeshiyaadka al-Shabaab oo duqeynta ka hadleysay ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu dilay Todobo ruux oo shacab ahaa.

Geesta kale, Taliska Africom barta Twitterka ayay kusoo daabacen inaysan wax lug ah ku lahayn ama iyaga aysan aheyn cida leh fulinta duqeyntaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo iska fogeeyay duqeyn qaab khaldan looga geystay meel ku dhow Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this