Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo digniin culus u diray Raila Odinga oo wada qorsho ka dhan ah Uhurro Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Maraykanka ayaa digniin culus kasoo saartay in hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inaysan u dulqaadan doonin in la carqaladeeyo amniga Kenya, bacdamaa Madaxweynaha Kenya uu ku guuleystay cod aqlabiyad ah.

Dowladu waxa ay Raila Odinga ugu baaqday inuu baajiyo munaasabadda lagu dhaarinayo maalinta talaadada ee ku beegan 12-ka bishaan December.

Donald Yamamoto oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Xafiiska ee Arrimaha Afrika ayaa ka digay in tallaabadaasi kaliya ay sii kordhin doonto xasilooni darrada Kenya.

Waxa uu Mr Donald Yamamoto hadalkan soo jeediyay mar uu kulan la yeeshay hogaamiyayaasha mucaaradka ee isbahaysiga Nasa.

Docda kale, Mr Donald Yamamoto ayaa xooga saaray in xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu keeno miiska wada xaajoodka si ay ula heshiiyaan mucaaradka oo looga baxo xaalada cakiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo digniin culus u diray Raila Odinga oo wada qorsho ka dhan ah Uhurro Kenyatta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this