Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshinkii laga waday Farmaajo oo dhabar jab xooggan la kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qorshihii xildhibaanada mucaaradka Soomaaliya ay doonayeen inay mooshin xil qaadis uga keenaan madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac kadib markii xildhibaanada abaarlamanka fasax dheer la geliyey. Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa xildhibaanada fasaxay muddo laba bilood ah, ayaga oo soo laaba doona bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in raadintii saxiixayaasha mooshinka ay hakad galeyso.

 

Mooshinkan ayaa waxaa si wada jir ah u wada kooxda Damu-Jadiid, oo hadda sidoo kale loo yaqaan Qabyo, iyo koox ku xiran Imaaraadka Carabta oo lacag badan soo qaatay, islamarkaana uu hoggaamiyo Cumar Cabdirashiid. Mooshinka ayaa markii horeba dhaqaaqi waayey, kadib markii saxiixayaal badan loo waayey, islamarkaana qaar saxiixay ay lacagtii ay qaaten ula goosteen Nairobi, waxaana fasaxan uu dib usii dhigaya in mooshinka uu dhaqaaqo. Wararka Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in kaliya 40 xildhibaan ay horey ugu saxiixeen mooshinka, qaarna ay kadib ka laabteen. Madaxweynaha ayaa xilka looga qaadi kara saddex meelood laba meel xildhibaaada haddii ay ka codeeyaan, taasi oo aan sahlaneyn.

 

 

Caasimadda.net

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this