Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo jawaab ka bixisay go’aankii uu Trump Qudus ugu aqoosaday caasimadda Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Warsaxaafadeed arrintan ku aadan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hoos ka aqriso.

Warsaxaafadeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Dhammaad

The post DF oo jawaab ka bixisay go’aankii uu Trump Qudus ugu aqoosaday caasimadda Israel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this