Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro iyo Muuqaal: Rabshado u dhaxeeyo Israa’iil iyo Falastiin oo ka bilowday Magaalada Beytul Laxam

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ku aadanaa inuu Mareykanka Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil ayaa waxaa Magaalada Beytul Laxam ee dalka Falstiin ka bilowday rabshado u dhaxeeyo Falstiiniyiinta iyo Ciidamada israa’iil ee xoogga ku heysto dhulalka Falastiin.

Dadweyne careysan oo u dhashay Falastin ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee Magaalada Beytul Laxam waxaana la arkayey iyagoo dhagxaan ku tuurayo Ciidamada Yahuuda halka Ciidamada Israa’iil ay adeegsanayaan rasaas nool nool,  kuwa dhemishka ah iyo Biyo Kuleyl ah.

Dadweynaha isku soo baxay ayaa gubay Sawirada Madaxweyne Trump si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin go’aanka aan laga fiirsan ee uu qaatay Madaxweyne Mareykanka.

Sidoo kale waxaa la arkayey dadweynahaas oo jidadka ku gubayo taayaro, waxayna xaaladda u muuqataa inay tahay mid aad u qasan.

Waxaa la filayaa in Maalinta Berri Salaad Khudbo kadib ay isku soo baxaan Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah iyagoo muujin doono dareenka xun oo ay ka qabaan aqoonsiga Qudus loo aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaal ku saabsan Rabshada iyo Sawiro:

4713674900000578-5154805-image-a-106_1514713A18C00000578-5154805-image-a-105_15147138FC700000578-5154805-image-a-102_1514713735200000578-5154805-image-m-108_15147136D9600000578-5154805-image-a-98_151247134B0800000578-5154805-image-a-94_151247119EEA00000578-5154805-image-a-57_15124711840F00000578-5154805-image-a-69_15124711855400000578-5154805-image-a-68_1512471183CB00000578-5154805-image-a-70_1512470FD29800000578-5154805-Anger_There_wer471183C700000578-5154805-Trump_set_off_p471393F800000578-5154805-image-a-93_1512471432FF00000578-5154805-image-m-150_151471432EF00000578-5154805-image-m-149_1514713868700000578-5154805-image-a-97_15124713C10900000578-5154805-image-a-140_1514713BC2100000578-5154805-image-a-139_1514713C36D00000578-5154805-image-a-135_1514713690600000578-5154805-image-a-90_15124713B88100000578-5154805-image-a-129_1514713C3F500000578-5154805-image-a-122_1514713AEED00000578-5154805-image-a-126_151

The post Sawiro iyo Muuqaal: Rabshado u dhaxeeyo Israa’iil iyo Falastiin oo ka bilowday Magaalada Beytul Laxam appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this