Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxay har iyo habeenba uheelan yihiin sidii dalka Soomaaliyeed uga bixilahaa maqnaanshaha dowladdeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxay har iyo habeenba uheelanyihiin,sidii dalka Soomaaliyeed uga bixilahaa MAQNAANSHA DAWLADEED.

Waxay aamin san yihiin shacabka iyo dawladda Puntland oo isku duuban in aan aadamuhu noolaan karayn dawlad la aan.dad aan aad ufakarayn oo aragti gaaban ayaa u haysta in soomaaliya ay noo shahay. dhanka kale diinteena islaamka iyo bani aadamka leh aqliga saliimka ah waxay ina tusayaan in dawlad laantu tahay halaag aduunka korkiisa ah oo ka soo horjeeda sharafka iyo qiimaha qofka bini aadamka ah. waa laysku waafaqsan yahay gaalo iyo islaam in aan nolol jirin dawlad la aan.

Cidii kolkaa iyadu aan garanayn macnaha dawladnimada waxaaba suuro gal ah in ay u haystaan sifahaas soomaaliya ku sugan tahay 30 ka sanadood inayba tahay nolol!! hadaba shacabka puntland iyo maamuladooda dhismay burburkii kadib,waxay naftooda iyo maal kooda u hureen in lahelo nidaam iyo kala danbayn dawladnimo oo soomaaliyeed. waxaa xusid iyo xasuus mudan in shacabka iyo dawladda puntland ay naftooda ku waayeen iyo wiilashoodii qaaliga ahaa nabadaynta caasimada MOGDISHO oo ah magaalo Soomaaliya u simantahay, waxay u dhinteena waa u gargaarka dadkooda iyo dalkooda iyo diintooda.waxay u dhinteen in dadkooda soomaaliyeed helo dawlad iyo nabad iyo nolol.

Shacabka iyo dawladda puntland oo isku duuban waxay aragtidoodu ka wayntahay in ay ku qancaan oo kaliya in ay dagaanadooda kasamaysteen amaan iyo kala danbayn iyo hormar,taa badalkeedana waxay arkaan aragti ka balaaran oo ah aragti qaran oo ah in dadka soomaaliyeed guud ahaan helo midnimo dawladnimo iyo kala danbayn.qofkastoo wadani ah waxaa laga raabaa waajibna ah in uu qaato aragtidaas.

Waxay puntland ku faraxsan tahay maanta in dadkii Soomaaliyeed u kaceen in ay iska tuuraan heeryada gumaysiga iyo dawlad la aanta,in dawlada hada jirtaa u istaagtay in naf iyo maalba loo huro sidii dalka looga sifahayn lahaa dawladiidka iyo cadawga soomaaliyeed. Si hadaba taa loo helo waa in la helaa ciidan qaran oo isku dhaf ah oo ka kooban guud ahaan soomaali taasoo dawladani ku guulaysatay.

Puntland waxay ku biiraysay 2400 oo ah daraawiish si ba an u tababaran oo ah naftood hurayaal. Puntland waxay diyaar u tahay kuman yaalo dhalin yaro ah oo diyaar u ah inay u dhintaa soomaaliya inay hesho dawlad shaqaysa. kuma imaanayso dawlad nimadu waxaan ahayn dagaal lagu riiqmo oo lagu kala baxo.

Dawlad nimadu maha wax laga helo daleedaha iyadoon loo dhiman. Puntland waxay ku faraxsan tahay oo ay garab taagan tahay ciidamada xasilinta caasimada iyo shacabka ku nool halkaa inay iska xoreeyaan dawlad diidka waana garabtaagan tahay hiil iyo hooba.waxay ku faraxsan tahay sida jubaland iyo hirshabeele iyo galmudug iyo koonfur galbeed uugu istaageen inay ladagaalamaan cadawga soomaali u diidan dawladnimada.Waxaan maanta aragnaa soomaaliya oo dal iyo dibadba u istaagtay inay dalkeeda iyo dadkeeda iyo diinteeda difaacato oo yeelato dawlad shaqaysa.

Dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ah waxaa laga rabaa in ay sii laban laabto hanaankaa wanaagsan ee ay u maaraysay dhaqaalaha dalka oo la dagaalantay musuqmaasuqii iyo inay amaankii u istaagtay oo dalku ku jira dagaal culus oo lagu kala adkaanayo.midaynta ciidamada waa tiirka koobaad tiirka labaadna waxaa weeye in dawlada fadaraalka ahi aduunyada ka codsato in mashaariicda dalka lagaarsiiyo dawlad goboleedyada sida dhimayaasha hormarinta xaga kaluumaysiga iyo beeraha,hada dawlada nina kuma haysto dhaqaale ay hayso oo ah canshuurta dalka gudihiisa laga qaado iyo waxaynu dhoofino dakhli inaga soogala midna,ee waxaa weeye wixii uun kaalmo shisheeye ah sisiman haloo gaarsiiyo dawlad goboleedyada dalkeenuna waa isku mid inaga sugaya in aan hormarino meel walba.

Puntland iyo dawlad goboleedyada oo dhami waxay garabtaagin yihiin dawlada fadaralka ah si dalkeenu uga baxo MAQNAANSHAHA DAWLADEED,oo halis ku ah jiritaanka umada soomaaliyeed.puntland waxay ka digaysaa in mashaariicda hormarineed aysan wax magarato ku xanibin mogdisho halka loo baahan yahay in lagaarsiiyo gobolada dalka oo dhan wixii tabiri tahay iyo siday ukala gaari kartaba waxaan lahayna cid cid u haysataan jirin wax waxaa kabadalan ma aqbalayso puntland oo ah in umada soomaaliyeed la majaro habaabiyo.waanag iyo cadaalad ayaa dalka laga rabaa.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this