Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kulan Looga Hadlay Amniga Galmudug Iyo Tayeenta Ciidamada Booliska Oo Lagu Qabtay Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   
Kulankaan maanta lagu qabtay magaalada Cadaado waxaa soo qaban qaabisay  wasaaradda amniga Galmudug, waxaana ka qeybgalay wasiirro iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil Boolis iyo qeybo ka mida bulshada rayidka.
Waxa looga hadlayaa kulankaan oo socon doona muddo Labo maalin ah,  dhismaha iyo tayeenta ciidamada  amniga Galmudug gaar ahaan kuwa booliiska.
Ka qeybgalayaasha kulankan oo bulshada rayidku ay qeyb ka yihiin ayaaa mudada Labada maalin uu socdo ka doodi doona hanaanka dhismaha ciidamo booliska oo Galmudug yeelato lagana fikiro tiro  iyo tayo intaba.
Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Galmudug Cabdi Jamac Cabdulle Xabeeb oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inaysan xilligaan awood badan u laheyn gudashada waajibaadkooda shaqo taasina looga baahanyahay inay bulshadu ka gacan siiyaan si looga shaqeeyo amniga iyo kala dambeynta.
“Hadda caqabad badan ayaa laga heysata inaan waajibaadka shaqo gudano dadka geysta dambiyada inta badan masoo qaban karno waxa ay helaan garab iyo dad difaac u noqda shacabka waxaanu uga baahannahay inay nala shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo”
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye ayaa ka qeyb galayaasha kulanka usoo jeediyay inay aragti wanaagsan ku yeeshaan qorshaha diyaarinta ciidamo boolisa tayo leh.
“Dadka halkaan iskugu yimid waxaa la idin ka doonayaa inaad inta uu socdo kulankani aragti fiican ku biirisaan sida aan booliskeena u tayeen karno”
C/laahi Axmed Calasow Shiine, wasiiru dowlaha amniga Galmudug ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan wadaan dedaallo lagu sugayo amniga Galmudug ciidamada booliskuna ay hormuud u noqon doonaan isagoo bulshada ka codsaday iney la shaqeeyaan.
“Waxaan wadnaa ka wasaarad ahaan qorshe aan dooneyno in amniga Galmudug lagu sugo, booliisku saldhig ayeey  u yihiin marka waa inaan wada shaqeyno si aan amniga iyo kala dambey u gaarno.
IMG_9912IMG_9913IMG_9914

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this