Sign in to follow this  
Deeq A.

Shalay waa Qudus berrina waa Soomaaliya (Warbixin wax badan banaanka soo dhigtay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Qudus shalay lalama wareegine waxaa lala wareegay 1967-dii markii lagu dhawaaqay in Israel la dajiyo dhulkaas , isla markaana Muslimiinta awoodooda la wiiqay halyay-yadii u kacayna midba maalin tiisa horteena lagu dubtay AUN.

Maanta Muslimiintu waxa ay sameyn karaan waa Cambaareyn iyo Calacal, mana muuqato awood ay kaga hortagi karaan hagar daamada Yuhuuda iyo xulufa dooda.
balse shalay hadii ay u fikiri lahaa yeen sida ay Yuhuud iyo xulufa doodu u fikarayeen maanta laguma soo dhiiradeen beytii Rasuul keena Muxamed CSW

Hadaba Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “NINKII QEYRKI LOO XIIRA YOW ADNA SOO QOYSO ” Hada Soomaali maryooleey, waxa ay ku socotaa wadadaas,ismana oga, waxaad na arki doontaan hadii la nool yahay Soomaali oo dhagax tuuraysa sida Reer Falastiin qoom kala wareegay dalkooda, waayo;;;;;;;
=Waxaa la qaran jabiyay 1979-kii,
=Waxaa la burburiyay 1991-dii’
=Waxaa loo kala qeyb qeybi yay Qabaa’ilo.,
=Waxaa laga dhex abuuray dagaal Diimeedyo.
= Waxaa loo dhisay Dowlado KMG ah oo tabar yar,
=Dowladoodii xooga lahayd waxaa loo qeybiay Dowlado yar yar,
=Calan koodii waxaa loo sarifay callalo midabo jaan leh,
=Halkoodii Madaxweyne waxaa laga dhigay 6 Madaxweyne oo siman,
= Ciidan koodii XDS ,waxaa loo qeybiyay, Onkod,Hilaac,Gaashaan,Birjeex, Danab, Nisa, Ciidanka Imaaraadka, Ciidanka,Masaarida, Ciidanka Turkiga, Ciidanka Mareykanka,{Alfa Group} iyo qaar kaloo badan,
= Dhaqaalahoodii waxaa gurta Shirkado shisheeye,
= Dakadahoodii waxaa qeybsaday Turki iyo Emarat ,
=Waxaa lala shir gudoomiyaa sheeko walba oo soomaalida quseyso,xataa hadii ay ka hadlayaan Ajeendaha Qudbada Salaada Jumcaha ay Culumadu ku soo qaadaneyso 7aadkan
=ma jiro wax u gaar ah oo Soomaalidu ka arinsan karto iyadoo aaney Ajaanibi la ogeyn.
=3-dii Bilood ba marbaa fayl Ducoments ah oo qorsha howleedka Xukuumada ah oo laga soo qoro xalane ayaa waxaa loo keenaa Xaafiisyada Dowladeena, waxna kuma dari karaan waxna kama dhimi karaan waxaana kula xisaab tama Wiilal cadaan ah oo fadhiya Xalane, =waa war huban.=
=Wasiir walba sida in la koontaroolayo waxa uu Facebooka nagula soo wadaagaa Maanta waxaan aniga iyo david concar, ama Bel reged son !WM wada shir gudoominay shir ku saabsan =Arimaha Dhaqaalaha Soomaaliya, =Arimaha Diinta, =Arimaha wax soo saarka dalka, =Arimaha Tamarta, arimaha =Amniga, Arimaha Dib u dhiska dalka,= Arimaha Dib u dhiska Ciidamada, iyo qaar kaloo badan , War maxaan anagu gaar u leenahay weli la isma waydiin “SAADAMBE AYAY GARAN”=tan ugu darani waa Dastuur keena waxaa ku qoran Soomaaliya hadii dalalka dariska ah soo weera raan kama jawaabi karto ilaa ay kala soo hadahso wakiilka UN-ka ee Soomaaliya,,taasina waa calaamad muujineysa in aan ku jirno Gumaysi dadban.kaaga darane wali ma aragteen hal Xildhibaan oo ka hadlaya waxaas iyo wax ka daran baa ku qoran dastuurka naloo soo qoraye, WAA MAYA, …..DUN BAA MEEL KA XIRAN WELI .

Wali waa soo taagan yihiin Soomaalidu oo waxa ay leeyihiin Beesha caalamka ha noo soo gurmato si dib ay noogu dhisaan qaranimadii Soomaaliya, Cowra waa ayagee caqli xumaa.
=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA”,

The post Shalay waa Qudus berrina waa Soomaaliya (Warbixin wax badan banaanka soo dhigtay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this