Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawirro) Barlamaanka dowladda Puntland oo meel mariyay miisaaniyada 2018

Recommended Posts

Deeq A.   

(Pi Garoowe) Baarlamaanka ka Punland ayaa maanta cod aqlibiyad le ku Ansixiyay Miisaaniyad sanadkeedka 2018 oo ay dhawaan barlamaanka usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda Puntland.

47 xildhibaan oo barlamaanka katirsan ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay miisaaniyada halka 3 xildhibaan oo barlamaanka katirsan ay  ka aamuseen.

Gudigga dhaqalaha barlamaanka ayaa warbxin dheer golaha kahor akhriyay waxayna namiisaaniyadda kaga talo bixiyeen barlamaanka hortiisa.

Miisaaniyada Puntland ee 2018 oo ku salaysan lacagta doolarka ayaa gaaraysa  $92,713,364 sanadkii oo ah dakhli iyo kharash is le’eg.

Wasiir maaliyadda Puntland Cabdullaahu Carshe ayaa dhowaan sheegay sheegay inaysan miisaniyadan ku jirin lacago ka muuqday miisaaniyadii 2017 taas oo laga filaayey hay’addo caalami ah hase ahaate aan laga helin.

IMG_2046.jpg

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this