Sign in to follow this  
Deeq A.

Allaah ha u naxariistee Fanaanadii Shamis Abokor (Guduudo Carwo )oo maanta ku geeriyootay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

99102815_shamis2.jpg
Guduudo Carwo waa fanaanaddii ugu horeysay ee ka heestay Idaacaddii Radio Hargeysa

Waxaa saaka magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Shamis Abookar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952.

Shamis Abokar ayaa sannadihii u danbeeyay xannuunsanayd, waxaana geerideeda BBC Somali u xaqiijiyay Adam Nugaal oo ka tirsan qoyskeeda.

Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye oo fanka ku soo jiray in ka badan lixdan sano iyo abwaan yuusuf Shaacir ayaa labaduba BBC u sheegay in GUDUUDO CARWO ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacad ka heesta.

Xilligii ay Guduudo Carwobilowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abookar aysan billaabin heesaha. Maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this