Sign in to follow this  
Deeq A.

Sh. Cali Dheere ” Muslimiintu waa in ay Hubka uqaataan difaacidda Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa looga fal celiyay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Caddeymo uu bixiyay Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayuu uga hadlay go’aanka Trump ee ka dhanka ah muslimiinta, wuxuu sheegay in tallabada Qudus uu Mareykanku ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda ay muujinayso sare ukaca cadaawadda uu qabo islaamka iyo muslimiinta.

Al Shabaab waxay sheegtay in dhulka Filasdiin dhammantiis uu yahay dhul barakeysan oo muslimiintu ay leeyihiin waxayna muslimiinta usoo jeedisay in ay u istaagaan difaaca muqadasaadka “waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muslimiinta in ay hubka qaataan oo Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa ay ka difaacaan gumeysiga Yahuudda ee Mareykanku taageerayo, wixii xoog lagaaga qaato lagumasoo ceshado wax aan awood aheyn” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Jawaab celintan ka timid Al-Shabaab ayaa imaanaysa xilli Shacabka Muslimiinta caalamka ay ka caroodeen warkii xalay kasoo yeeray Trum ee magaalada Qudus uu kusiiyay Yahuudda Sahyuuniyadda waxaana meelo badan oo caalamka islaamka katirsan ka dhacaya dibad baxyo rabshada wata oo loogasoo horjeedo dowladda Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Sh. Cali Dheere ” Muslimiintu waa in ay Hubka uqaataan difaacidda Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this