Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maamulka G/Banaadir oo qasbay in isbedel lagu sameeyo Qoraaladii Shirarkii Caalamiga ahaa ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo ka dhex muuqday shirarkii caalamiga ahaa ee arrimaha Soomaaliya oo dhowaan lagu qabtay Muqdisho ayaa sababay in isbedel weyn lagu sameeyo qoraallada laga soo saari lahaa shirka.

Labadii shir ee Muqdisho ka dhacay 4-5 Disember 2017 ayuu si buuxda uga qeyb galay maamulka Gobolka Banaadir iyadoo guddoomiyaha maamulkaasi Taabit Cabdi Axmed uu khudbado toos ah ka jeediyay labada shir ee Amniga iyo Iskaashiga Soomaaliya.

Arrinta shirka hareysay ayaa noqotay in Dokukementiyada iyo war-mutiyeedyada shirka laga soo saaray dib loo qoray kadib markii qoraallada oo diyaarsanaa aan lagu soo darin maamulka Gobolka Banaadir, waxaana dood ka dhalatay in magaca G/Banaadir uu ka dhex muuqdo go’aanada iyo war-murtiyeedka shirka laga soo saarayo markii uu ku adkeystay Guddoomiye Taabit.

Guddiga farsamada shirka ayaa dib u bedelay qoraaladii shirka waxaana dhammaan lagu daray magaca maamulka Gobolka Banaadir (Benadir Regional Administration-BRA) oo ku soo baxday war-murtiyeedyadii shirka kasoo baxay, iyadoo ay isla wada qaateen dhammaan madaxda Soomaalida iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Maamulka G/Banaadir oo qasbay in isbedel lagu sameeyo Qoraaladii Shirarkii Caalamiga ahaa ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this