Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo Madaxweynaha Galmudug ku amaanay tanaasulka uu u sameeyey Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Maamulka Ahlu Sunna iyo Galmudug kaasoo qorayey in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqdo Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo goob joog u ahaa heshiiska ay Ahlusuna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen heshiiska ayaa ka sheekeeyay heerka uu soo maray dib u heshiisiinta, isagoo xusay inay ka soo bilaabatay maalintii isaga loo caleema saarayay Madaxweynaha.

“Dib u heshiisiintan muddo ayay soo socotay laga soo bilaabo Caleema saarka oo aan casuunnay Sheekh Shaakir iyo nidaamkiisa, maalintaas illaa iyo hada ayay soo socotay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo halkaas ka jeediyey khudbad inteeda badan ku saabsaneyd tanaasul iyo heshiis.

Wuxuu Ahlu Sunna ku amaanay inay yihiin kuwa kaliya ee Al-Shabaab dareensiiyey inay dhiman karaan oo ay dhaawacmi karaan, wuxuuna dagaalkooda ku sheegay inuu ahaa mid ku saleysan caqiido.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug tanaasulka uu sameeyay iyo sida uu awooddiisa u qeybiyay, taasoo uu ku sheegay inay tahay tanaasul loo baahan yahay.

“Madaxweyne Xaaf isaga kaliya ayaa wax bixiyay, waa ninka awoodiisa qeybiyay ee ma ahan Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka saas in loo ogaada loo baahan yahay, waana qeyb ka mid ah tanaasulka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada maanta la gaaray ay ka soo bilaabatay dib u heshiisiintii Jabuuti ee sanadkii 2009-kii iyo isku darkii labadii baarlamaan ee dowladdii KMG aheyd, ayna maanta ka dhalatay dowlad joogto ah oo shacabka doortaan.

Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ku heshiiyey in meesha laga saaro Ahlu Sunna isla markaasna lagu midoobo Maamulka Galmudug, waxayna madaxweynaha hortiisa ku kala saxiixdeen heshiis ka koobnaa ilaa 14 Qodob.

Dhawr sano ayaa lagu dadaalayey in labadaan maamul la isku daro, waxaana muuqato inay hadda mareyso xaaladii ugu fiicneyd oo soo marto Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa inay Xaaf iyo Sh. Shaakir kulan ku yeeshaan Caasimadda rasmiga ah ee Galmudug ee Dhuusa Mareeb halkaas oo lagu dhameystiri doono heshiisyada dhiman iyo qaabka loo qeybsanayo xubnaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo Madaxweynaha Galmudug ku amaanay tanaasulka uu u sameeyey Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this