Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir oo si aan looga baran ugu faanay Dowlada Ethiopia & Maamul Goboleedyada ka jira dalka (Muxuu yiri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Shaakir, ayaa shaaca ka qaaday in Ahlusuna ay badbaado u aheyd maamul Goboleedyada ka jira dalka iyo Dowlada Ethiopia.

Shaakir waxa uu sheegay in Ahlusuna ay dhabar jabisay Al-Shabaabkii u kala gooshi lahaa Gobolada dalka iyo Ethiopia oo uu sheegay inay meel uga soo baxeen xili ay wadnaha farta ku hayeen maamulada iyo dowlada Ethiopia oo ka cabsi qabay Alshabaab.

Waxa uu tilmaamay in Ahlusuna ay dowr weyn ka qaadatay Jabka Al-shabaab waxa uuna cadeeyay in mudnaantaas ay u laabaneyso maamulka iyo ciidamada Ahlusuna.

Waxa uu cadeeyay in amniga ka jira deegaanada maamulka ay sabab u tahay dhiiga ciidamada Ahlusuna ee qubtay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan qarsooneyn kaalinta Ahlusuna.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolada Dhexe gaar ahaan deegaanada Ahlusuna aan waqtigaan laga helin cid ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waxaan maanta idiin sheegayaa in Gobolada iyo Maamulada ku tiirsan deegaanada Gobolada dhexe iyo dowladda Ethiopia hadii aysan jiri laheyn Ahlusuna in ay Al-Shabaab geli lahaayeen balse aan ka difaacnay’’

‘’Qorshaha Alshabaab waxa uu ahaa inay isaga gudbaan deegaanadeena iyo Ethiopia waxaa alle mahadii ah inaan dhabar jab gaarsiinay oo aan ku celinay godadkii ay kasoo baxeen’’

Haddalka Sheekh Shaakir ayaa imaanaya xili maamulka Ahlusuna ay cashiro adag u dhigeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee duur jooga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Sheekh Shaakir oo si aan looga baran ugu faanay Dowlada Ethiopia & Maamul Goboleedyada ka jira dalka (Muxuu yiri) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this