Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo heshiiska Galmudug & Ahlusuna kadib kadigay hal arrin oo suuragal ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi ‘’Farmaajo’’  ayaa ka hadlay heshiiska ay wada galeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo ka dhacay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa heshiiska uga mahad celiyay Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Ahlusuna oo uu sheegay inay adkeysi u muujiyeen heshiiska la gaaray.

Waxa uu labada Hogaamiye ku ammaanay halka ay soo gaarsiiyen wadahadalkooda, wuxuuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray.

Waxa uu Farmaajo sheegay inay caqabad noqon karto haddii aan la dhaqan galin heshiiska la kala saxiixday, waxa uuna cadeeyay in DFS ay ahmiyad gaara siin doonto la socodka waxa ka dhaqan galay heshiiska.

Waxa uu soo hadalqaaday in dhibaatooyinka ka dhalankara burburka heshiiska la kala saxiixday uu noqonkaro in dib look ala gurto oorta oo uu ula jeedo in lagu laabto halkii laga soo bilaabay xalka.

‘’Waxaan idinku boorinayaa in laga dhabeeyo dhaqangalka heshiiska dhacay, dowladu waxa ay diyaar u tahay inay qeyb ka noqoto xal waliba oo laga gaarikaro khilaafyada Galmudug’’

Madaxweynaha JFS ayaa Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaanada iyo shacabka Gobolada Dhexa ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii horey loogu sii socon lahaa, si looga baxo dhibaatooyinka hada ka jira Gobolada Dhexe.

‘’Labada Gole iyo shacabka Galmudug waxaan ugu baaqeynaa inay is garabtaagan maamulka oo ay ka shaqeeyan sida xalka looga gari lahaa dhibaatooyinka dhaca’’

Waxa uu ka dalbaday Shacabka iyo madaxdaba in ay isku tanaasulaan isla markaana ay noqdaan kuwo waxwalba wada qeybsada sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda iyo Shacabka deegaanada Galmudug ay noqdaan kuwo u hoggaansamo hehsiiskaas isla markaana dhaqan geliya.

Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa shalay gelinkii dambe heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Soomaaliya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Maxamed (Farmaajo) iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee dowladda Federaalka.

Docda kale, Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

Farmaajo-iyo-Jawaari-1.jpg?resize=640%2C

shir-1-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=1shir-2-2.jpg?resize=640%2C427&ssl=11-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=12-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=13-2.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

The post Farmaajo oo heshiiska Galmudug & Ahlusuna kadib kadigay hal arrin oo suuragal ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this