Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Qaranka Oo Shir Ka Yeeshay Hannaanka Dib U Eegista Dastuurka.

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka.
Shirka, waxaana  ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal ayaa caawa ka shacay Villa Somalia.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.
Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad hawlaha Lagu dhameystiro Dastuurka.
Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this