Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Amiirka Al-Shabaab oo baxsaday iyo khilaaf soo kala dhex galay kooxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay madaxda ugu sareeya kooxda Al-Shabaab, taasoo sababtay in amiirka kooxda Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo, ilo-wareedyo ayaa sidaas sheegay.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Axmed Diiriye oo ugu sareeya Al-Shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Shabaab u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya.

Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Al-Shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye. Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al-Shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka madaxda Al-Shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab. taasi oo kala dhex gelisay kala shaki dhexdooda ah.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan, waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan.

Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo madaxda Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada, waxaana Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

The post Xog: Amiirka Al-Shabaab oo baxsaday iyo khilaaf soo kala dhex galay kooxda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this