Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugandha oo digniin kasoo saartay arrin khatar ah oo Shabaab ay soo waddo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Militeriga dalka Ugandha ayaa digniin culus kasoo saaray khatarta ay maleeshiyaadka al-Shabaab la damacsan yihiin goobaha ay ka taliso dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Taliska waxa uu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay maleegayaan khataro hor leh oo ay ku aar-goosanayaan maleeshiyaadka looga dilay duqeymaha ka socda Gobolada Somalia.

Major Gen. Peter Elwelu oo ka tirsan mas’uuliyiinta ugu sareysa Taliska qeybta ciidamada lugta ayaa cadeeyay inay jiraan macluumaad rasmi ah oo muujinaaya in al-Shabaab ay ku howlan yihiin weeraro argagixiso oo ay ka geysan doonaan goobo muhiim ah.

Major Gen. Peter Elwelu, waxa uu carab dhabay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weli khatar weyn ku yihiin ammaanka Somalia oo ay ka wadaan weerar khasaaro geysta.

Isagoo ka hadlaayey xero ciidan oo ku taala Uganda laguna kala badalayay ciidamo ka tirsan Uganda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada cusub ee la geynayo Somalia ay ka feejignaadaan halista al-Shabaab.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Uganda ay u diyaarsanyihiin ka hortagista iyo howlgalada ka dhanka ah al-Shabaab.

Sidoo kale, ciidamada Ugandha uga sugan jiida dagaalka ee Somalia ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadan weeraro kaga imaada al-Shabaab.

Haddalka Major Gen. Peter Elwelu ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay dhabar jab xoogan kala kulmeen weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Ugandha oo digniin kasoo saartay arrin khatar ah oo Shabaab ay soo waddo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this