Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Cisbitaal Digfeer Ku Booqday Qaar Kamid ah Ciidanka Madaxtooyada oo Dhaawac Soo Gaadhey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac  soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho suu uga warayso xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa  kasoo raynayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u qooqday saraakiisha dhowaan dhaawacu ka soo gaadhay qarax ay labeegsadeen sharwada yaasha tamarta yar, iyagoo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si naxaariis iyo masuuliyadu ku jirto ula-dareemay xaaladda ay ku jiraan, isla markaana waxa uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, waxaana ay kamid ahaayeen saraakiishani illaalada khaaska ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

5I2A0039-1.jpg 5I2A9879.jpg 5I2A9887.jpg 5I2A9943.jpg 1-3.jpg 3-4.jpg 4-4.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this