Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo soo dhowayn u sameeyay Xulka kubada Cagta Jubbaland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Ciyaartooyda Xulka kubada Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo masuuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan.

Madaxweynahu wuxuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd isla markana ay koobka keenan Caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Isagoo ka hadlayay sida ay uga go’an tahay in Ciyaaraha la hormariyo ayuu Madaxweynahu sheegay in ay sababta ugu weyn ee Kismaayo loogu qaban waayay Ciyaaraha ay tahay in la doonayo in qaab casri ah oo Ciyaaraha waa weyn lagu qaban karo loo habeeyo garoonka kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo isla markana la hormarin doono xirfadaha kala duwan ee Ciyaaraha

Madaxweynahu waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyada Jubbaland isla markana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhalinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland.

Xildhibaano Wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland.

JLP99999.jpg JLP373738.jpg JLP3738849.jpg JLP3838939.jpg JLP3839939.jpg JLP38389830.jpg JLP38399300.jpg JLP38738389.jpg JLP38738839.jpg JLP87666778.jpg JLP373883939.jpg JLP383899309.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this