Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso heshiiska ay kala Saxiixdeen Ahlu Sunna iyo Galmudug oo dhameystiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Abdirahman Omar Osman ayaa sheegay inay Ahlu Sunna iyo Galmudug wada saxiixdeen heshiis rasmi ah.

Waxaa hada Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Munaasabad lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray in Sheekh Maxamed Shaakir loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee  Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada.

Halkaan hoose ka akhriso heshiiska ay kala saxiixdeen oo dhameystiran

a0ebb832-733b-4e33-9167-ed4faef42d7d.jpg

91996772-15ac-4e15-8101-24dc97713a5d.jpg

FB_IMG_1512569744723.jpg?resize=696%2C93FB_IMG_1512569721416.jpg?resize=696%2C52FB_IMG_1512569726472.jpg?resize=696%2C52

The post Akhriso heshiiska ay kala Saxiixdeen Ahlu Sunna iyo Galmudug oo dhameystiran appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this