Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso ”Isimada Puntland oo Xaliyey Murankii Dekada Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Isimada Puntland,oo manta kulan ku qabtay Magaalada Bosaso ayaa Ganacsatada iyo dawlada dhex dhigay heshiis, ka dib markii Ganacsatadu ay Muran ka keeneen shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso.

Kulanka lagu soo bandhigau heshiiska la gaaray ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ganacsatada Puntland, Isimo Miisaan ku leh Puntland, Mas’uuliyiin ka socday dawlada iyo dadweyne kale oo goob jog ka aaha go,aanka ay soo saareen Isimada Puntland.

Qodobada ay dawlada iyo Ganacsatadu ay ku heshiiyeen ayaa kala ahaa;

-In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada

-Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso

-In la taageero Mashaariicda Horumarineed

-In tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo

Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana ay dalbadeen in la dhaqan geliyo, isla markaana guddi ay Isimadu u sameeyen ay daba galaan.

Dhinaca kale Masuuliyinta Dawlada  ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska, waxaana ay sheegen inay hirgalin doonaan qodobada lagu heshiiyay dhinacooda.

Heshiiskan ayaa soo afmeeraya murankii mudada soo taagnaa oo u dhexeeyay Ganacsatada iyo dawlada  waxana ha kada ku jiray in mudo ah  shaqada Dekada Bosaso.

IMG_0007-1-740x555.jpg?resize=740%2C555IMG_0025-740x555.jpg?resize=740%2C555IMG_0026-740x555.jpg?resize=740%2C555IMG_9404-740x555.jpg?resize=740%2C555IMG_9408-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9420-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9426.jpg?resize=740%2C493IMG_9427.jpg?resize=740%2C493IMG_9445.jpg?resize=740%2C493IMG_9488-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9489-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9494-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9503-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9505-740x493.jpg?resize=740%2C493IMG_9514-740x493.jpg?resize=740%2C493

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso

The post Akhriso ”Isimada Puntland oo Xaliyey Murankii Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this