Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiskii Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo Muqdisho lagu Sixiixayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa maanta lagu wadaa in  lagu saxiixo dhameystirka heshiiska ay dhawaan gaareen maamuladda Ahlusuna iyo Galmudug.

Munaabasadda ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo heshiiska ay gaareen Ahlusuna iyo Galmudug.

Warar soo baxaya  ayaa sheegaya in wali labada dhinac ka wada hadlayaan heshiiska ay gaareen, waxaana la sheegayaa inuu jiro qodobo aan wali la isku afgaran, balse la filayo in saacadaha soo socda laga heshiiyo.

Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti waxa axadii aynu soo dhaafnay lagu soo gaba-gabeeyay wada-hadalo u socday Mas’uuliyiinta maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo kulankaas uu qaban-qaabiyay urur Goboleedka IGAD.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay goobjoog ka noqdaan munaasabada lagu wado in gelinka dambe ee maanta ka dhacdo Madaxtooyada Villa Somalia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in hal maamul ku midoobaan kaasi oo ah Galmudug, iyadoo qodobada qaar ee lagu heshiiyay ay ku jirto awood qeybsi ay Ahlusuna ku yeelan doono Maamulka Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Heshiiskii Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo Muqdisho lagu Sixiixayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this