Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ay soo wajahday Cabsidii ugu weyned kadib go’aanka Qudus ee la filayo inuu qaato Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka ayaa safaaradaha iyo Shaqaalahaba uga digtay jawaab celin careysan oo ka imaan karta goaanka Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump maanta laga sugayo kaas oo ah in Maraykanku Qudus uu u aqoonsado Caasimada Israa’iil isla markaana safaarada Mareykanka uu u raro Qudus.

Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu baaqdey safaaradaha inay galaan xaalad foojignaan ah amnigana adkeeyaan.

Sida ay kasoo xigatey Jariidada Politico oo kasoo baxda wadanka Maraykanka Wasaarada arimaha dibada ayaa cadaysey suura galnimda ah in rabshado ka qarxaan wadamada islaamka iyo carabta ku dhawaaqista Trump kadib.

Digniinta ayaa si qarsoodi ah oo loogu diray Safaaradaha Mareykanka iyo Qunsuliyadaha si loogu diyaariyo khatarta ka imaan karta weeraro lala beegsado safaarada Mareykanka iyo in la xoojiyo talaabooyinka ammaanka, sida uu Wargeysku sheegay.

Wargayska ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo sheegay inuu aad uga warwarsan yahay weerar balaaran oo lagu soo qaado iyo aargoosi loo geysto muwaadiniintooda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo ay soo wajahday Cabsidii ugu weyned kadib go’aanka Qudus ee la filayo inuu qaato Trump appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this