Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Sarkaal Boolis Oo Qarax Lagu Dilay Gaalkacyo Iyo Shabaab Oo Sheegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Cali Ibraahim Cali oo kumagaca dheeraa (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Cali ayaa xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay Duleedka Madaxtooyada Gaalkacyo qeybta Puntland,waxaana uu ku sii jeeday shaqada.

Xilliga uu Qaraxa qabsanayay uu ku soo jeeday xafiiska shaqada isaga oo ka soo baxay Gurigiisa,waxaana uu ku qabsaday agagaarka Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland Aadan Nuur Qaal  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamadu wadaan baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa halka qaraxa looga soo xiray Gaariga taliyaha.

Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland.

Geeridaha taliyihii qeybta Gaalkacyo ee Puntland ayaa ku soo aadday iyada oo Magaalada amnigeeda ay la wareegeen Ciidamo isku dhaf ah oo Puntland iyo Galmudug ka kala scoda.

Ciidamada Puntland ayaa degaankaas ka billaabay howlgal ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay qaraxa lagu xiray Gaariga Taliyihii hore ee Saldhigga Gaalkacyo.

Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyihii qeybta Booliska ee Saldhigga Gaalkacyo Cali Magafe.

1-19.jpg?resize=696%2C392&ssl=12-19.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

The post Sawiro: Sarkaal Boolis Oo Qarax Lagu Dilay Gaalkacyo Iyo Shabaab Oo Sheegtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this