Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo beenisay in shaqaalaha dowladda aysan mushaar qaadan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiin Camey ayaa maanta beeniyay im musuq maasuqa ka jira Puntland uu ka dhashay mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda, kadib markii sidaasi uu sheegay hanti dhowraha Puntland

Hadalkaan ayaa madaxweyne ku xigeenka ka sheegay shirka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Soomaaliya, shirkaas oo maanta Garowe lagu qabtay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa qiray in shaqaaluhu mushaarka ka daaho balse wuxuu kasoo horjeestay hadalka hanti dhowraha ee ku saabsan inaanu shaqaaluhu mushaar helin.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in kor loo qaado maamul wanaaga, si musuq maasuqa loola dagaalamayo.

Halkaan dhegayso codka Camey.

      Camey 6

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this