Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqi doona natiijada kaso baxday wada hadaladii Ganacasatada iyo Dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Waxaa gabi ahaanba goor dhaw lagu wadaa in laso afmeeray waada hadaladii ay garwadeenka ka ahaayen isimada Puntland ee lagu wada hadal siinayay Puntland iyo Ganacsatada Cabashada ka keenay shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso.

waxana hada munaasabadii lagu shaacinayey go,aanada ka soo baxay shirka uu ka socdaa hoolka shirarka ee Hotel Gacayte ee Magaalada Bosaso.

Warbaahinta Puntland Post xog ay heshay ayaa sheegaysa in xal laga gaaray Murankii ka taagnaa Dekeda, isla markaana maanta lagu dhawaaqi doono natiijada kaso baxay wada hadalka.

Warar horu-dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Ganacsatadu ay ogolaadeen Khimadaha ay dawladu kordhisay, hasa yeeshe waxaa qodobada heshiiska ka mid ah innaan dib loo kordhin karin sida uu xogta ku helayo Puntland Post Xafiiskiisa Bosaso.

Ganacsatada ayaa sheegay in marka Dekeda la dhiso ay si buuxda u ogolaanayaan Sharci kasta oo Shirkadda Dekeda maamusha ay keento, hasa yeeshe inta ka horaysa loo baahan yahay in heshiiska la gaaray lagu dhaqmo, arrintaas oo la isku raacay.

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa maamula shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraatka carabta, taasi oo lagu magacaabo P&0 PORTS, waxayna hoostagtaa Shirkadda DP WORLD.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo uu ka ha hadlayey munasabad ee ay arday ku qalin jabinaysay oo ka dhacaday Bosaso waxa uu sheegay in Ganacsatada Puntland ujeedada ay u qaylinayaan ay tahay inay wax ka helaan Qandaraasyo toban kor u dhaafaya oo dawladu ay gacanta ku hayso, kuwaas oo uu sheegay in loo tartami doono.

Wxii soo kordha la soco Insha Allah 

24312374_732712913604380_65604905237427124852194_732712693604402_38051661412003524862389_732712326937772_63759169929932024909639_732713196937685_362196231789788

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso

The post Isimada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqi doona natiijada kaso baxday wada hadaladii Ganacasatada iyo Dawladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this