Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihi Saldhigga Dhexe ee Waqooyiga Gaalkacyo oo qarax lagu dilay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyii Saldhigga dhexe ee waqooyiga  magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa sarkaalka ku qabsaday bartamaha magaalada Gaalkacyo,gaar ahaanna dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada,sida uu PUNTLAND POST u sheegay  weriye ku sugan magaalada.

Taliyaha oo dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas ayaa durbadiiba geeriyooda,waxaana gebi ahaanba burburay gaarigii uu saarnaa,inkastoo aan weli la sheegin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa,laakiin sarkaal ka tirsan Booliska ayaa  sheegay  in ay baaritaan ku hayaan,islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan xogta rasmiga ah.

PUNTLAND POST

The post Taliyihi Saldhigga Dhexe ee Waqooyiga Gaalkacyo oo qarax lagu dilay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this