Deeq A. Posted December 6, 2017 Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay howlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada B/weyne. Ciidamadan ayaa lagu arkayey iyaga oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena waxay galayeen guryaha si ay amniga u xaqiijiyaan. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa sheegay in ciidamada ay baadigoobayaan rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo la rumeysan yahay iney ku dhuumanayaan xaafado ka tirsan B/weyne waa sidey hadalka u dhigeenne. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in Al-shabaab kasoo baxsaday duqeymaha ka socda qaar kamid ah gobollada dalka ay soo aadeen dhanka B/weyne iyo nawaaxigeeda. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites