Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay qaraxyo culus ka fuliso Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Booliska dowlada ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro argagixiso ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Saraakiishan ayaa xaqiijiyay in amaanka magaalada Muqdisho uusan weli ku taagneyn caga wanaagsan isla markaana ay jiraan xogo muujinaaya in magaalada ay ku jiraan gaadiid sida Qaraxyo tan culus.

Gaadiidkan ayaa laga cabsi qabaa in magaalada Muqdisho ay ka geystaan falal amni darro xili dhawaan ay magaalada Muqdisho marti galisay Qaraxii ugu cuslaa oo maalin madow u diiwaan galisay dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Gaadiidka la sheegay inay ku dhex jiraan magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in looga shakisan yahay Degmooyinka Dharkiinley, Waaberi, Wadajir, Hodan iyo Dayniile oo inta badan gabaad u ah maleeshiyaadka dhuumaaleysiga ku jooga magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa noocyadooda lagu kala sheegay Noah, Caasi, Dheyno iyo Gaari sida Booyad shidaala, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.

Ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ayaa ku jira heegan buuxa waxaana xusid mudan in Seddexdii habeen ee ugu danbeysay magaalada Muqdisho laga howlgaliyay Eeyo u tababaran ka hortaga Qaraxyada.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono inkastoo ciidamada amaanka ay juhdi galinayaan ka hortaga wax waliba oo caqabad ku ah amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay qaraxyo culus ka fuliso Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this