Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo jawaab culus u diray mucaaradka kana dalbaday inay arkaan…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in mar waliba lagu qanco talaabooyinka ay qaadeyso dowlada Somalia ee u taagan dadaalka nabadeynta Somalia.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo sheegay dowladiisa ay muddo gaaban ku qaday talaabo lid ku ah kooxaha nabadiidka, waxa uuna bidhaamiyay inay yareeyen khasaarihii shacabka kasoo gaari jiray falalka amni darro oo ay geystaan al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in dowladiisa ay inta badan ka dhabeysay ballanqaadkii amni oo ay sameysay waxa uuna tusaale usoo qaaday inay nusqaan ku sameeyen weerarada al-Shabaab iyo in magaalada Muqdisho ay noqotay mid lagu soo hirto markii laga soot ago falal yaryar oo dhaca xili ay ciidamadu ku raad joogan.

Waxa uu Farmaajo sheegay inay jiraan dad dhiirigalinaaya nabadiidka balse ay muhiim tahay in mar waliba ay dadku noqdaan kuwo arka wanaaga ay sameyneyso dowlada Somalia isla markaana la kala qaado danta guud iyo mida gaarka ah.

‘’Dowladu kama gaabin wax kabedelka amniga ee waxa ay sameysay guulo la taabankaro cidii wanaaga jecel wey aragtaa horumarka aan ka gaarnay Nabadda markii aan kasoo tagno falal kadis ah oo ka dhaca magaalada xili lagu dabajiro’’

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagan sida ay nabad uga dhalin lahaayen dalkooda isla markaana ay uga shaqeyn lahaayen Horumarkiisa, maadaama ay iminka kasoo gudbeen dhibaatooyinkii ugu badnaa.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho muddo laba cisho ah ay ka socdeen shirar looga hadlaayay Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo jawaab culus u diray mucaaradka kana dalbaday inay arkaan… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this