Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Shirkii Muqdisho oo soo xirmay iyo war-murtiyeed laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay shirka madasha iskaashiga Somalia.

Shirkan oo ahmiyad gaara u lahaa Somalia ayaa waxaa ka qeybgaleen, Madaxda Qaranka, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti ka socday beesha Caalamka oo aad u daneeya arrimaha Somalia.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyadeed qodobeysan, waxaana sidoo kale goortii lasoo gabagabeeyay qodobada ugu muhiimsan ee laga soo saaray shirka saxaafada la wadaagay Wasiirka warfaafinta XFS C/raxmaan Cumar Cismaan.

Wasiirka waxa uu sheegay in War-murtiyeed kasoo baxay shirka uu ka kooban yahay 48 qodob waxaana khudbadii ugu dambeesay ee Xeritaanka Shirka madasha ka jeediyay Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu bogaadiyay doorka ay Beesha Caalamka ka qaadatay dhismaha Somalia, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay fulaan qodobada la isla gartay.

Haddaba Hoos ka dhageyso qodobada kasoo baxay shirkaasi oo warbaahinta uu u aqriyay wasiirka warfaafinta:

The post Daawo: Shirkii Muqdisho oo soo xirmay iyo war-murtiyeed laga soo saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this