Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DFS oo weerar ku ah goobo ay ku sugan yihiin Horjoogaha al-Shabaab & Maleeshiyo uu wato

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhaqdhaqaaq ay maleeshiyaadka al-Shabaab kawadaan qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Dhaqdhaqaaqa ay wadaan maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka ah Horjoogaha ugu sareeya maleeshiyada Axmed Diiriye ‘’Abuu Cubeyda’’.

General Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhaqdhaqaaqa Abuu Cubeyda iyo maleeshiyaadkiisa ku sugan qeybo kamid ah Gobolka ayaa tilmaamay inay heleen xogo muujinaaya in Horjoogaha uu ku dhuumaleysanaayo Gobolka.

Waxa uu General Ismaaciil Saxardiid, tilmaamay in xogta ay heleen ay muujineyso in Horjooge Abuu Cubeyda uu si gaara uga soo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe.

Waxa uu cadeeyay in Abuu Cubeyda uu kasoo cararay duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka kawadaan qeybo  kamid ah Gobolada dalka.

General Ismaaciil Saxardiid, waxa uu bidhaamiyay inay socdaan dadaalo lagu beegsanaayo goobaha ay iminka ku dhuumaaleysanayaan Horjooge Abuu Cubeyda iyo Maleeshiyaadka u dagaalamaaya.

‘’Waxaa socda dadaalo lagu beegsanaayo goobaha ay hadda ku sugan yihiin Abuu Cubeyda iyo maleeshiyaadkiisa waxaa naga go’an inaan soo afjarno dhaqdhaqaaqa ay wadaan al-Shabaab’’

‘’Waxaa hadda nagu maqaal ah in maleeshiyaadkan baxsadka ah ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka oo qaarkood ay xirteen qaarna ka uruuriyeen teleefoonada ay heysteen’’

Dhinaca kale, General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadi doonaan goobaha ay ku sugan yihiin al-Shabaabka, isla markaana ay la wareegi doonaan goobahaasi.

Dagaal-1.jpg?resize=620%2C350&ssl=1Dagaal-2.jpg?resize=675%2C379&ssl=1Dagaal-3.jpg?resize=675%2C379&ssl=1Dagaal-4.jpg?resize=675%2C379&ssl=1Dagaal-5.jpg?resize=675%2C379&ssl=1Dagaal-6.jpg?resize=675%2C379&ssl=1

The post Sawirro: DFS oo weerar ku ah goobo ay ku sugan yihiin Horjoogaha al-Shabaab & Maleeshiyo uu wato appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this