Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Maalintii 2-aad Ka Qayb Galay Shirka Madaxda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05 December 2017 ka qayb galay maalintii labaad shirka Madaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, ergayga gaar ka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, danjirayaasha waddamada shisheeye, Saraakiil ka socdey AMISOM, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS, xeeldheerayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland oo Khudbad muhiima ka jeediyey shirka horaantiisii ayaa sheegay in qabyo tirka geeddi-socodka dastuurka Soomaaliya aanu  dhameystirnayn, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu inay jiraan qodobo muhiima oo u baahan in si wadajira loo dhugto kuwaas oo ay ka mid yihiin fadaraalisamka, khayraadka dalka, doorka DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, waxaana Madaxweynuhu uu hoosta ka xariiqay in wada xaajoodka ku saabsan arrimahaasi weli aan la dhamaystirin.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay muhiim in xil la iska saaro dhamaystirka dastuurka Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey Madaxda Soomaaliyeed in dastuurka si xalaala loo gunaanado, isla mar’aahaantaana waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dastuurku yahay asaaska sida guri aan ku dhex nool nahay oo kale,

Dhinaca kale Madaxweyne dawladda Puntland ayaa sheegay si looga soo kabto dagaalkii sokeeyo in loo baahan yahay in lasameeyo qodobo ay kamid yihiin

  1. hay’adaha maamulka dalka oo dib loo dhiso, loo baahan yahay in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah.
  2. xukunka sharciyada, mabaadii’da cadaaladda iyo sinaanta oo iyana lagu saleeyo sida ku xusan diinteena Islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan.
  3. Shacabka oo la wacyigeliyo, loona sameeyo shaqo abuur, cadaalad, sinaan iyo wanaajinta masuuliyadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in qaadashada fadaraaliisamku ay tahay talaabo ay Soomaaliya hore u qaaday, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inay dawladda dhexe ee Soomaaliya u madaxbanaan tahay masuuliyaddina ka saaran tahay arrimaha Ciidanka, Difaaca Qaranka, Siyaasadda Soomaaliya,  Socdaalka  [immigration] iyo Dhalashada [Naturalization], iyo sidoo kale Siyaasadda arrimaha Dibadda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in talaabo kasta oo hore looqaado iyo caqabad walba oo timaada ay tahay cashar laga baranayo nidaamka fadaaraliisamka, waxaana uu Madaxweynaha dawladda Puntland ku booriyey Madaxda qaran ka Soomaaliyeed in aan laga daalin dedaalka loogu jiro horumarinta qaranimadeena iyo halganka dib u xasilinta dalka.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

1-6.jpg?resize=1000%2C667 2-4.jpg?resize=1000%2C667 3-2-1.jpg?resize=1000%2C667 3-4.jpg?resize=1000%2C667 4-3.jpg?resize=1000%2C667 5-2-1.jpg?resize=1000%2C667 5-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8741.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8749.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8805.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8871.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8912.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8933.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9002.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9075.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9081.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9114.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9196.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9242.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9818.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9829.jpg?resize=1000%2C667 6-1.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha Puntland oo Maalintii 2-aad Ka Qayb Galay Shirka Madaxda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this