Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay In Hoggaamiyaha Al-shabaab Ku Sugan Yahay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay iney heleen xogo sheegaya in hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab Axmed Diiriye uu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in hoggaamiyaha Al-shabaab iyo ciidamo la socday ay kasoo tageen degmada Jilib ee Jubada Dhexe kadib cadaadis uu sheegay inuu kala kulmay howlgallada dhulka iyo kuwa cirka ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamka.

“Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Horjoogaha Al-shabaab ugu sareeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoona kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawgalada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin in gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka laga saaro Al-shabaab.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this