Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaarooyin dadban oo ka bilowday Jidadka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Maalintii Labaad xiran Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diiday inay isticmaalaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Haddaba waxaa Labadaan Berri jidadka Muqdisho ka bilowday isbaarooyin dadban oo ay dhiganayaan Ciidamada Dowladda.

 

Kontaroolada ay Ciidamada dowladda ka joogaan jidadka la xiray ee Muqdisho ayaa waxaa ka bilaabatay in gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay, kuwa dadweynaha iyo Bajaajyada laga qaato lacago baad ah isla markaasna loo fasaxo inay jidadka isiticmaalaan.

Ciidamadaan ayaa ka faa’ideysanayo xirnaanshiyaha Jidadka Muqdisho, waxaana la celinayaa gawaarida diido inay bixiyaan lacagta halka kuwa bixinayana la fasaxayo. meelaha ay sida weyn uga socoto arrintaan ayaa waxaa kamid ah Kontaroolada Ciidamada Xasilinta Muqdisho ee Isgoyska Digfeer, kan Seybiyaano iyo Midka Tarabuunka.

 

Kontarooladaas ayaa waxaa mararka qaar laga maqlayaa rasaas lagu ridayo Gawaarida diido lacagtaas, waxaana muuqato in Xirnanaashaha jidka Muqdisho loo adeegsanayo qaab aysan dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada waxba ka ogeyn.

Arrintaan ayaa noqoto dhibaato kale oo kusoo korortay Magaalada Muqdisho, waxaana muuqato inaysan Ciidamada dowladda iska dhaafi karin Isbaarooyinka iyo lacagaha baada ah.

 

Jidadka Muqdisho ayaa loo xiray sabab lagu sheegay shirka Amni ee Muqdisho uga socdo Maalintii labaad dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo ah wajigii labaad ee Shirkii London ka dhacay.

 

Source: Caasimadda.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow that is what happens when you don't pay army enough money to live on. they will try to make money other ways. but still there are some corrupt people who would never be satisfied even if you give million dollars. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this