Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Islow “Ciidamada Waxay Amniga Dalka Kala Wareegayaan AMISOM Marka Qalabkooda Loo Dhameystiro”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka iyo sidoo  kale waxyaabaha laga faa’iday shirkii amniga ee ka dhacay London.

Waxa uu sheegay wasiirka in meel wanaagsan ay marayaan howlgalada ay sameynayaan laamaha amniga ee ay ka wadaan Muqdisho iyo sidoo kale guud ahaan gobollada dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waxbadan ay ka hirgaleen qodobadii kasoo baxay shirkii London ee looga hadlay amniga Soomaaliya, isaga oo sheegay in markii shirkaasi laga soo laabtay la bilaabay howlo badan oo ku aadan dib u habeynta ciidamada iyo sidoo kale diiwaangelintooda casriga ah.

Dhanka kale, wasiir Islow ayaa sheegay in ciidamada ammaanka marka sidii loo baahnaa loo diyaariyo ay amniga dalka kala wareegi doonaan ciidamada AMISOM.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this