Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Tartankan oo sanadkii labaad oo xiriira lagu qabto Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Shanta Dowlad goboleed iyo xul matala Gobolka Benaadir waxaana loo qeybiyay labo Group.

Group-A

  • Benaadir
  • Galmudug
  • Jubbaland

Group-B

  • Hirshabeelle
  • Puntland
  • Koonfur Galbeed

Xulka Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay Koobkan ayaa Group-ka B la galay xulal sahlan marka loo eedo Group-ka kale.

Tartankan ayaa furmi doona 8-da bishan December oo ku began maalinta Jimca ah ee soo socota waxaana lagu furi doonaa xulalka Benaadir iyo Jubaland.

TARTANKA.jpg?resize=721%2C1084

PUNTLAND POST

The post Isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this