Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidanka oo xukun dil iyo xabsi daa’in ah ku ridday Xubno Shabaab u qaabilsanaa..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka ridday xukunno isugu jira dil,xabsi daa’in iyo Xukunno Sanado ah.

Maxkamadda ayaa Xukunnadan kala duwan ku ridday Rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin  Al-shabaab kuwaas oo qaraxyo ka geystay Maqaayado ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Raga ay maanta Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu magacabaa C/khaadir Abuukar Shaacir waxaa si gaar ah loogu eedeyay inuu ka dambeeyay sadax qarax oo ka dhacay maqaayado ku yaala wada maka al’mukarama  kuwaas oo kala ah Maqaayad kasoo horjeeda hotel wehliye  13-03-2017 sidoo kale maqaayad  kasoo horjeeda wasaarada isboortiga 05-4-2017  iyo Baar itaaliya 08-05-2017

Sidoo kale ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay eedeesane c/khadir iyo eedeesanaha labaad Maxamed cumar akiile oo wada gaari kale oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa 15-05-2017

Maxamed Cumar Akiile waxaa si gaar ah loogu soo eedeyay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab isagoona xiliga lasoo qabanayay uu waday gaarii ku qarxay degmada xamar weyne  gaar ahaan eeneyada  Taarkhdu marka ay eheed 15-05-2017,Maxkmadda Ciidanka ayaana ku xukuntay Xabsi daa’in.

Dauud Maxamed Cali ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab isla markaasna u qaabilsanaa faafida  dacayada al-shabaab waxayna maxakamda ciidamada ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxkamadda Ciidanka oo xukun dil iyo xabsi daa’in ah ku ridday Xubno Shabaab u qaabilsanaa.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this