Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil uu dhalay Cali Cabdalla Saalix oo wacad ku maray inuu Aabihii u aargudidoono.

Recommended Posts

Deeq A.   

24312796_1910525675628764_11868821771263

Sanca (Puntlandi) Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah curadka madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalix, ayaa wacad ku maray inuu u aargudidoono Aabihii oo shalay si fool xun loogu dilay magaalada Sanca ee dalkaasi.

Axmad Cali Cabdalla Saalix oo taliye u ah 80,000 askari oo ah Unuga ilaalada Jamhuuriyadda, ayaa sheegay inuu isagu hogaamindoono dagaal kama dambays oo lagusoo afjaridoono Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaas oo haysta qeybo badan oo katirsan dalkaas.

Dagaalka Aniga ayaa hogaaminaya ilaa Dalka laga saaro kan ugu dambeeya ee ka tirsan Jabhada Xuuthiyiinta. sidaas waxaa yiri, Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah Wiilkii uu dhalay Madaxwaynihii hore ee Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo ay Xuuthiyuuntu dileen.

Hogaamiyihii fallaagada Yemen ahna, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, ayaa inta aan la dilin ka hor wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this