Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Qodobo hordhac ah oo laga soo saaray Shirka  amniga ee ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Amniga Qaranka oo uu furay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, kaa oo ahmiyad gaara u leh dalka.

Shirka ayaa la filayaa in manta lasoo gabagabeynaayo  waxaana wajiga koowaad ee shalay si hordhac ah looga soo saaray qodobo dhowr ah.

Qodobada hordhaca ah ee laga soo saaray wajiga koowaa ee shirka shalay ayaa waxaa kamid ah in dib u habeeyn lagu sameeyo qaybaha Amniga ee DFS iyo Dowladaha shisheeye ee Somalia garabka kusiiya amniga.

Dib u habeynta lagu sameynaayo amniga ayaa shirka lagu sheegay inay ahmiyad gaara u leedahay Somalia oo Horumar dhanka amniga ah gaartaa.

Wakiilada qeybta ka ah shirka ayaa dowlada Somalia ku amaanay sida ay u hirgalisay qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kasoo baxay shirkii London oo ay kamid ahayd isku dhafka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda.

Sidoo kale, waxa ay madaxda shirka qeybta ka ah si hordhac ah ugu heshiiyeen Illaa iyo 3 qodob oo la isku raacay in lasiin doono mudnaan gaara waxa ayna kala yihii:

1-In la fuliyo Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka ee la isku afgartay.

2-In si deg deg ah loo horumariyo Qorshaha kala guurka oo kusaleysan waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

3-In lasii wado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa la isla fahmay in shirka xiga ee amniga Qaranka lagu barbar qabto shirka Golaha iskaashiga Somalia ee la filaayo inuu dhaco bartamaha Sanadka soo socda ee  2018.

Dhinaca kale, waxaa si wada jir ah leysugu raacay in deegaanada ku jira gacanta al-Shabaab dib loo xoreeyo isla markaana lagu wareejiyo ciidamada dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Akhriso: Qodobo hordhac ah oo laga soo saaray Shirka  amniga ee ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this