Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo qeyla dhaan ka muujiyay qulqulka Horjoogayaasha al-Shabaab ee Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’, ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay Saldhigyo hor leh ka dhigteen deegaanada hoostaga Jubbaland.

Axmed Madoobe oo qeyb ka ah shirka Amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland ay iminka ku sugan yihiin Horjoogayaasha ugu sareeya l-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka baxsadka ka ah duqeymaha Mareykanka ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay ku sugan yihiin.

‘’Waxaa dhankeena usoo jabay al-Shabaabkii ka cararay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaan qireynaa inay ku jiraan Horjoogayaal caan ah, waxaana muhiim ah in laga hortago xili hore’’

Madoobe waxa uu tilmaamay in gacantiisa aysan ku jirin Xarunta maamulka, waxa uuna qiray in sidoo kale guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe ay ku jirto Gacanta al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay keentay in hoggaamiyayaasha Shabaab oo dhan ay ku soo dhuuntaan gobolka Jubbada dhexe sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waa dareemi kartaan dhibta ay leedahay in xiligaan gacanta maamulka aysan ku jirin deegaano dhowr ah, waxa ay taa sababtay in Horjoogayaashii ugu sareeyay ay xiligaan deegaan ku noqdeen deegaanada maamulka’’

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay marti galineyso shirar khuseeya amniga oo looga soo horjeedo al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Axmed Madoobe oo qeyla dhaan ka muujiyay qulqulka Horjoogayaasha al-Shabaab ee Jubbaland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this