Sign in to follow this  
Deeq A.

Madeira: Bixitaanka AMISOM Waxaa Ay Waxyeello Ku Tahay Howl-gallada Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka tirsan ururka midowga Afrika  ambassador, Franciso Madeira ayaa sheegay in qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM ay waxyeeleyneyso muhiimadda nabad ilaalinta, maadaama aan laheynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalo.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan tiradooda 22 kun oo askari waxayna dalka joogeen muddo toban sano ah, laakin waxaa laga jarayaa sanadkan cusub1000 askari, waana qorshe dheer oo ay ciidamada AMISOM ay uga baxayaan dalka, mas’uuliyadda amnigana ay kala wareegayaan ciidamada Soomaaliyeed.

Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa waxaa ay kala kulmaan weeraro dhanka Al-shabaab kuwaasi oo ay ku xooganyihiin dagaalyahannada ururka Daacish ee looga soo adkaaday howlgalka milatari ay ka wadeen dalalka Liibiya iyo Siiriya.

Francisco Maderira oo ah madaxa nabad-ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters “ Haddii aan la heynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalayo AMISOM ka bixitaankeenna waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa muhiimaddeenna”.

Maderira ayaa raacsiiyey hadalkiisa “ Waan aamisannahay in qaramada midoobay ay badal u sameyn karto kooxda koowaad ee ciidamada Amison ee ka baxaya dalka waxyaabaha ka dhasha arrinkaasi”.

Maderira oo ka hadlayey shirka amniga muqdisho ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay inay aad u adagtahay in la qiyaaso inta ay yihiin dagaal-yahanada Al-shabaab.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this