Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka oo hir galisay riyada Trump ee lidka ku ah Somalia iyo Dowlado kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqaday go’aan guul u ah madaxweyne Trump kadib markii lagu taageeray qaraar uu dhawaan soo saaray.

Maxkamadda sare ayaa sheegtay inay taageersan tahay go’aankii xayiraada dhinaca socdaalka ee uu madaxweyne Trump soo saaray.

Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah, waxa uuna go’aankaasi wajihi karaa caqabado dhanka sharciga ah.

Waxa uu go’aankan xoojinayaa siyaasaddii madaxweyne Trump ee ka dhanka ahayd wadamada Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Ammarka madaxweynaha Maraykanka ayaa saamaynaya dadka ka imanaya dalal 8 ah oo ay 6 ka mid ah muslimiintu u badanyihiin kuwaasi oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyatay ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka oo hir galisay riyada Trump ee lidka ku ah Somalia iyo Dowlado kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this