Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukunno Kala Duwan Ku Riddey Afar Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Magacyada iyo Sida Loo Kala Xukumay:

  • C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
  • Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in
  • Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah
  • C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegtay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka lagu ridey ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato.

Goobjoog News

Halkaan hoose ka akhriso xukunka maxkamadda

01

 

02

 

03

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this