Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka “Somali Partnership Forum” Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka heerkiisa sarreeya ee “Somali Partnership Forum” kaasi oo shalay furmay.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya xaaladda dalka sida ammaanka iyo arrimo kale oo ciidamada la xiriira.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah furay shirkan oo ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa daba socdo shirkii London bishii may 2016 kii ,iyadoo shirkaan ay goobjoog ka yihiin midowga yurub,IGAD ,jamacadda carabta iyo dowlado kale oo Soomaaliya taageero siiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this