Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho oo xiran maalintii labaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo weli tuban waddooyinka ayaa xanibay dhammaan isku socodka gaadiidka noocyadooda kala duwan waxaana xusid mudan in waddooyinka qaar laga mamnuucay xitaa gaadiidka ciidanka.

Xirnaanshiyaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana maalintii labaad la  arkayaa, iyagoo dadka lugeynaya.

Sababaha loo xiray jidadka Muqdisho ayaa lagu sheegay shirar muhiim ah oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirka galay maalinta labaad ayaa looga hadlayaa guud ahaanba Amniga dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Waddooyinka maalintii labaad xiran ayaa halbowle u ah isku socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu arkayay ciidamo fara badan.

Waddooyinka ayaa xirnaan doona muddo Seddex maalin ah oo ku ekaan doonta maalinta Arbaca xiliga habbeenimo oo uu soo xirmi doono shirka.

Geesta kale, waxaa xiran wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo laga joojiyay gadiidka koontaroolka Siinka Dheer.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho oo xiran maalintii labaad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this